MOGADISHU, Soomaaliya – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhegeysiga dacwad loo haysto askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo lagu eedeeyay inuu dil bareer ah ka geystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Eedeysane Mahad Maxamed Cumar ayaa loo haystaa inuu toogasho ku dilay marxuum Yahye Cabdi Axmed. Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir, xilli eedeysanuhu uu ku sugnaa goob lagu qebinaayay sab (Bariis iyo Hilib).
Sida ay wax u dhaceen
Sida laga hor akhriyay maxkamadda, Mahad Maxamed Cumar ayaa rasaas ku furay dhalinyaro ku sugnaa bannaanka hore ee guriga uu ku sugnaa, isagoo ku dooday inuu ka shakiyay ama uu mooday kooxaha “Ciyaal-weerada”. Rasaastaas ayaa haleeshay marxuum Yahye Cabdi Axmed, kaas oo dhaawac u geeriyooday 23-kii bishii February ee sanadkan.
Doodda Xeer Ilaalinta iyo Qareenka
Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa keentay maragyo iyo cadaymo muujinaya in askarigu uu si bareer ah u adeegsaday hubka uu qaranka u dhiibay, iyagoo codsaday in lagu xukumo dil toogasho ah oo ah Qisaasta marxuumka uu dilay.
Dhanka kale, qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in falku uusan ahayn mid si ula kac ah u dhacay, balse uu ahaa mid ka dhashay khalad dhanka amniga ah, isagoo codsaday in maxkamaddu ay u naxariisato eedeysanaha, laguna xukumo bixinta mag (Diya).
Go’aanka Maxkamadda
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda ka dib markii uu dhegeystay doodaha labada dhinac iyo maragga aabbaha dhalay marxuumka.
Guddoomiyaha ayaa shaaciyay in maxkamaddu ay go’aan ka soo saari doonto kiiskan muddo kooban gudahood, ka dib markii ay soo dhameystirto qiimeynta dhammaan cadaymaha horyaalla.

Xigasho: guledgurey.com
Wixii warar ah ee ku soo kordha kiiskan, kala soco boggeena.
